مجموعة فكرية من طلبة الصوماليين المقيمين في السودان


Gorfaynta dhiganaha "Qurxanaanta Diinta"

1 التعليقات

Hordhaca  :
Waxeynu ku jirnaa waqti hallow, waxa ina soo food saartey dhibaato fikir, wax kastaaba waxa ay noqdeen wax geddisan, ama wax la gaddiyey, waxa lumey wixii wax lagu qiyaasi jirey, ka dibne waxa gilgilmey akhlaaqdii iyo ma dhaafaankii, waxa abuurmey waxyaabo badan oo sameynaya maskaxdii iyo caqligii qofka muslimka ah, waxa uu noqdey qof kastaa mid ka qaataa quutkiisa maskaxeed meel aanu garaneyn waxa ay gasho iyo waxa ay guddo, iska qaata wax kaste baadhitaan la’aan, iska qaata afkaar dhaliil indha la’ oon sal laheyn usoo jeedineysaa diinta uu haysto ee ah islaamka, iskaga jajaban aragtiyo aan joogtadiisa iyo timaadadiisa toone anfac muuqda u lahayn.
Qoraaga buugga :
Buugan waxa qorey Dr “ Fariid-Al ansaari “ waxa uu ku dhashey gobolka Al Rashiidiya, koonfurta bari ee Maqrib, sanadku markuu ahaa 1380H, oo ku beegan 1960M, waxa uu Dectora ka diyaariyey Diraasaadka Islaamiga ah, jaamacadda Xasan-Al taanii kuliyadda Aadaabka, sido kale waxa uu diplom ka diyaariyey isla diraasaadka islaamiga ah, “ Diraasaat culyaa “, waxa uu leeyahay Dr-ku dhiganayaal badan oo uu dhiganahan ka mid yahay .
Miidda buugga :
Waxa uu sheegayaa qoraagu niyad wanaagga ku keliftey in uu qalinka u qaato dhiganahan, waxa uune qoraagu sal ugu dhigayey quruxda oo dhan in ay kasoo burqato qalbiga aadanaha, waxa uu sidoo kale qoraagu sheegayaa leexsanaantii iyo sawirkii xumaa ee laga gudbiyey diinta islaamka ama haka gudbiyeen cadaw cadaawadoodu muuqato ama khalad ka dhacey dad isku hawlayey iney diinta matalaan e’ ay keensan gaadhey in ay lunto qurxoonidii diinta; sidaas awgeed ayaa uu qoraagu waraaqaha ugu horreeya ee dhiganihiisa kaga faaloonayaa kala gaddisanaanta asalka diinta iyo dadka ku abtirsada diinta, qofka diinta ku abtirsanayaa khalad iyo gaf ina aadan ayuu u yahay, laga yaabaane in aaney qurux badnaan safarkiisa diineed oo dhami, balse asalka diinta ee qurxoon taasi wax uma dhimeyso ayaa uu sheegayaa qoraagu. Waxa uu sidoo kale qoraagu milicsanayaa goodiga adag ee lagu hayo xumeynta sawirka diineed, ee loo sawirayo uumanaha kale in ay tahay diin ad-adag oo ka madhan naxariis iyo wanaag oo dhan, waxa ay u socotaane ay tahay uun seef iyo dhiig la daadsho, taasne ay tahay mid ka fog sawirkii quruxda ku dheehnaa ee asalka u ahaa diinta .
Waxa uu si weyn qoraagu ugu tuuntuunsanayaa cilaaqada ka dhaxeysa cibaadada iyo quruxda diinta, markaste oo uu qofku cibaadada sii dhex galo oo uu u guto sidii looga baahnaa isaga oo aad ula falgalaya waa markaste oo dareenka qurux badnaanta diintu sii kordhayo, taas isaga oo qoraagu ku dhex jira ayaa uu soo qaadanayaa reer galbeedka iyo sida weyn ee ay u qiimeeyaan quruxda iyada ood moodda in qoraagu rabo inuu yidhaahdo agtooda wixii qurux badan ayaa looga yaqaan cibaado !
Waxa uu qoraagu ku sheegayaa buuggiisa quruxda diintu in ay koobsaneyso saddexda xidhiidh ee uu ina aadan leeyahay oo kala ah, xidhiidhka uu alle la leeyahay, xidhiidhka uu uumanaha kale la leeyahay iyo xidhiidh uu deegaanka uu ku noolyahay la leeyahay .
Qoraaga buugga waxa aad mooddaa in uu in badan carabka la dhacayo dadka diinta inala wadaaga balse sawir fool xun oo aan aheyn sawirkii diintu waddey ee naxariista iyo quruxda ku dheehnaa ka gudbineya, taas oo keensaneysa in ay ka faa’ideystaan warbaahintii ku foogneyd xumeynta sumcadda diinta , sidoo kale gilgileysa qalbiyadii daciifka ahaa ee aan lugo badan ugu aasneyn diinta, isla markaane ka didineysa dadkii in uun eegi lahaa dhadhansan lahaane quruxda iyo wanaagga ay diintu leedahay .
Buuggan “ Qurxoonaanta diinta “ waa buug wakhtigiisii jooga oo u baahan in la akhriyo lane dhuuxo .  

WQ: Ridwaan maxamuud

Gorfaynta Dhiganaha "Fadhiyada Quraanka"

0 التعليقات

"مجالس القرءان"
Magaca buuga:- "Fadhiyada Quraanka".
Magaca qoraaga:- Fariid al-Ansaarii
Qeybta: Barbaarinta.
Tirade bogaga:- 405bog.
Tarikhda: 25\08\2017.
Kooxda:- "RUWAAD AL-WACYI".
Dhaba Cilmiyeedka Dhiganaha (Tusaha Buuga).
Buuga fadhiyada Quraanka ee Qoraaga reer maqrib fariid al-ansaarii wuxuu udhiganyahay laba QEYBOOD ook kala ah:-
Qebta 1aad: Hordhaca Fadhiyada Quraanka.
Qeybta 2aad: Daraaseyn quraan (suurado ka mid ah quraanka).

Taariikh Nololeedka Qoraaga
Qoraaga dhiganahan kor ku xusan Fariid al-ansaarii wuxa uu ku dhashay dalka maqrib, gobolka RAASHIDIYAH sanadku marku ahaa 1960, wuxuuna ku dhintay magaalada ISTANBUL ee dalka turkey 5/nov/2009.
Waxa uu ahaa caalim dhanka diinta ah iyo abwaan hal abuur lahaa, wuxuu leeyahay dhiganayaal badan oo ku salaysan fikirka islaamka iyo majaaalo diini ah.
Waxa uu darajada PHD ka qaatay cilmiga "DARAASAAT AL-ISLAAMIYAH" ee jaamacada MOWLAAYA ISMAACIIL ee magaalada MIKNAAS-MAQRIB.
Waxa uu xubin kaso noqday kana soo shaqeeyey Gudiga waxbarashada Sare ee dalka maqrib, wuxuuna ugu dambayntii xanuun uu mudo la noolaa ugu dhintay magaalada ISTANBUL, waxaana maydkiisa loo soo qaaday laguna aasay magaalada MIKNAAS ee dalka Maqrib.

Gorfenynta Kitaabka.
Qeybta 1aad.
             Qeybta 1aad ee dhiganaha qoraagu waxa uu kuso bandhigayaa fadliga uu leeyahay kitaabka quraanka ah, waxa uuna sidoo kale aad ugu dheeraanayaa sharaxaada waxa loo yaqaan "FADHIYADA QURAANKA" illaa uu akhristaha kitaabka ku dhex-milmo fadaaga iyo baaxada quraanka, uuna la kulmo macnaha iyo dhadhanka ugaar ah kalaamka Eebbe weyne.
    Isla qeybta koowaad ee kitaabka ayuu qoraagu waxa uu soo bandhigin laba su'aalood oo aan jawaab ahaan kala maarmin kuwaasoo kala ah:
1. kuma tahay ADIGU..?!!!        
2. waa maxay QURAANKU..?!!!   
Waa laba su'aalood oo aan jawaab ahaan kala maarmin, waase tan koowaadoo qofna ma garan-karo naftiisa ilaa uu fahmo macnaha dhabta ah ee quraanka uuna kalasoo dhexbaxo hawiyadiisa koowaad, taasna waxa daliil u ah, waxyigii koowaad ee kuso degay NABI MAXAMED –NNKH- waxa uu qeexin qofka waxuu uu yahay, iyo halka ay kaso ulkumto noloshiisa, ebbe weyne wuxuu dhahay:

("إقرأ باسم ربك الذي خلق*خلق الإنسان من علق) سورة العلق 1و2.
Marka uu helo qofku barashada naftiisa ayuu akhrinta iyo ku dhaqanka quraanka ka dhaxlayaa dhaba-toosin wacan oo uu quraanku tusayo wadada saxda ah, miyaase quraanka lo soo dejiyey illaa inuu ahaado hagaha dadka maahee iyo xaliyaha dhibaatooyinkooda..!!,
Eebbe weyne wuxu dhahay:-

("إن هذا القرءان يهدي للتي أقوم ويبشر المومنين الذين ويبشر المؤمنين الذين يعملون الصالحات أن لهم أجرا كبيرا") (الاسراء 9).

Qoraagu wuxuu xusayaa in fadhiyada Quraanka ay yihiin goobo waxbarasho oo bulshadu leedahay, taasoo loogu tala-galay in lagu fidiyo aqoonta quraanka, laguna dhiso quraanka nolosha dadka bini aadamka ah dhan walbay ahaato, waxuuna bogaadinayaa in hab-dhaqameedka qofka ay noqoto quraanka haday ahaan laheyd la tacaamulka Naftiisa, Qoyskiisa, Qaraabadiisa amase Bulshaduu ku dhexnoolyahay.
Fadhiyada quraanku waa goob waxbarasho oo uu asaasay suubanihii NABI MAXAMED-NNKH- ayna sii joogteyeen saxaabadii rasuulka iyo salafkii saalaxa ahaaba.
Barxada fadhiyada quraanka, qoraagu waxa uu ku sheegay laba qaybood oo kala:-
1. Fadhiyada quraanka ee qoyska: waana tan ah in xaafada dhexdeeda ay aabbaha iyo hooyaduba ka sameeyaan madarso quraan taasoo joogta ah ayna kaso qayb galayaan guud ahaanba dadka ku nool xaafada.
2. Fadhiyo quraan oo furan: taaso ah midda ay kaso qayb galayaan guud ahaanba saaxiibada iyo dadka aadka iskugu dhow ayna wada akhrinayaan quraanka.

Qoraagu waxa uu xusayaa dhowr shuruud oo uu sheegay inay ku xeeranyihiin fadhiyada Quraanka si ay unoqdaan mid miro dhal leh, waxaana ka mid ah:-
1. In ujeedada akhrinta loo keli yeelo alle wajigiis.
2. Ilaalinta hab-dhaqanka fadhiga quraanka.
3. Inaan lagasoo dib dhicin waqtiga fadhiga loo balansanyahay aana lagaso daahin.
4. Ilaalinta qaanuunada akhrinta Quraanka….. I.W.M.

         Ugu dambeyntii sida ka cad risaalada guud ee kitaabka "FADHIYADA QURAANKA", qoraagu waxa uu soo gudbinayaa in quraanku noqdo kan kala haga nolosha dadka, uuna ka dhexmuuqdo hab-dhaqankooda iyo noloshoodoo guud ahaan,
Qeybta 2aad:-
               Qeybta labaad qoraagu wuxuu dul istaagaya sharaxaad macne weyn xambaarsana saarayaa qeybo ka mid ah suurada quraanka, kuwaasoo kala ah:-
1.    سورة الفاتحة.
2.    سورة الفرقان.
3.    سورة يس.
4.    سورة الحجرات.
Gabagabo:-
          Kitaabka siguud wuxuu uso celinayaa saamayntii uu ku lahaa quraanka maanka bulshada wuxu u ibba furayaa hawlo badan oo umad waliba ay kusamayso hormar iyo wanaag kaas oo kuxiran kitaabka eebe, waana dhigane wax badan uhorseedi kara cid waliba oo ku aqrissa lab furan.

WQ
Abdirisaaq saciid shire (kabayare)

كافة الحقوق محفوظة ©مدونة رواد الوعي