Hordhaca :
Waxeynu ku jirnaa waqti hallow, waxa
ina soo food saartey dhibaato fikir, wax kastaaba waxa ay noqdeen wax geddisan,
ama wax la gaddiyey, waxa lumey wixii wax lagu qiyaasi jirey, ka dibne waxa
gilgilmey akhlaaqdii iyo ma dhaafaankii, waxa abuurmey waxyaabo badan oo
sameynaya maskaxdii iyo caqligii qofka muslimka ah, waxa uu noqdey qof kastaa
mid ka qaataa quutkiisa maskaxeed meel aanu garaneyn waxa ay gasho iyo waxa ay
guddo, iska qaata wax kaste baadhitaan la’aan, iska qaata afkaar dhaliil indha
la’ oon sal laheyn usoo jeedineysaa diinta uu haysto ee ah
islaamka, iskaga jajaban aragtiyo aan joogtadiisa iyo timaadadiisa toone anfac
muuqda u lahayn.
Qoraaga buugga :
Buugan waxa qorey Dr “ Fariid-Al
ansaari “ waxa uu ku dhashey gobolka Al Rashiidiya, koonfurta bari ee Maqrib,
sanadku markuu ahaa 1380H, oo ku beegan 1960M, waxa uu Dectora ka diyaariyey Diraasaadka
Islaamiga ah, jaamacadda Xasan-Al taanii kuliyadda Aadaabka, sido kale waxa uu
diplom ka diyaariyey isla diraasaadka islaamiga ah, “ Diraasaat culyaa “, waxa
uu leeyahay Dr-ku dhiganayaal badan oo uu dhiganahan ka mid yahay .
Miidda buugga :
Waxa uu sheegayaa qoraagu niyad
wanaagga ku keliftey in uu qalinka u qaato dhiganahan, waxa uune qoraagu sal
ugu dhigayey quruxda oo dhan in ay kasoo burqato qalbiga aadanaha, waxa uu
sidoo kale qoraagu sheegayaa leexsanaantii iyo sawirkii xumaa ee laga gudbiyey
diinta islaamka ama haka gudbiyeen cadaw cadaawadoodu muuqato ama khalad ka
dhacey dad isku hawlayey iney diinta matalaan e’ ay keensan gaadhey in ay lunto
qurxoonidii diinta; sidaas awgeed ayaa uu qoraagu waraaqaha ugu horreeya ee
dhiganihiisa kaga faaloonayaa kala gaddisanaanta asalka diinta iyo dadka ku
abtirsada diinta, qofka diinta ku abtirsanayaa khalad iyo gaf ina aadan ayuu u
yahay, laga yaabaane in aaney qurux badnaan safarkiisa diineed oo dhami, balse
asalka diinta ee qurxoon taasi wax uma dhimeyso ayaa uu sheegayaa qoraagu. Waxa
uu sidoo kale qoraagu milicsanayaa goodiga adag ee lagu hayo xumeynta sawirka
diineed, ee loo sawirayo uumanaha kale in ay tahay diin ad-adag oo ka madhan
naxariis iyo wanaag oo dhan, waxa ay u socotaane ay tahay uun seef iyo dhiig la
daadsho, taasne ay tahay mid ka fog sawirkii quruxda ku dheehnaa ee asalka u
ahaa diinta .
Waxa uu si weyn qoraagu ugu tuuntuunsanayaa
cilaaqada ka dhaxeysa cibaadada iyo quruxda diinta, markaste oo uu qofku
cibaadada sii dhex galo oo uu u guto sidii looga baahnaa isaga oo aad ula
falgalaya waa markaste oo dareenka qurux badnaanta diintu sii kordhayo, taas
isaga oo qoraagu ku dhex jira ayaa uu soo qaadanayaa reer galbeedka iyo sida
weyn ee ay u qiimeeyaan quruxda iyada ood moodda in qoraagu rabo inuu yidhaahdo
agtooda wixii qurux badan ayaa looga yaqaan cibaado !
Waxa uu qoraagu ku sheegayaa
buuggiisa quruxda diintu in ay koobsaneyso saddexda xidhiidh ee uu ina aadan
leeyahay oo kala ah, xidhiidhka uu alle la leeyahay, xidhiidhka uu uumanaha
kale la leeyahay iyo xidhiidh uu deegaanka uu ku noolyahay la leeyahay .
Qoraaga buugga waxa aad mooddaa in
uu in badan carabka la dhacayo dadka diinta inala wadaaga balse sawir fool xun
oo aan aheyn sawirkii diintu waddey ee naxariista iyo quruxda ku dheehnaa ka
gudbineya, taas oo keensaneysa in ay ka faa’ideystaan warbaahintii ku foogneyd
xumeynta sumcadda diinta , sidoo kale gilgileysa qalbiyadii daciifka ahaa ee
aan lugo badan ugu aasneyn diinta, isla markaane ka didineysa dadkii in uun
eegi lahaa dhadhansan lahaane quruxda iyo wanaagga ay diintu leedahay .
Buuggan “ Qurxoonaanta diinta “ waa
buug wakhtigiisii jooga oo u baahan in la akhriyo lane dhuuxo .
WQ: Ridwaan maxamuud

هناك تعليق واحد:
هدا مقال جيد ونحتاخ مثله
شكرا
إرسال تعليق